Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii & diyaaradii laga celiyay garoonka Boosaaso

Boosaaso (Halqaran.com) – Wasiirada Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha gudaha ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa ka warbixiyay iska hor imaad ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ku dhexmaray Magaalada Boosaasoiyo diyaaradii Isniinta maanta laga celiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Wasiirada Wasaaradda Amniga Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha boosaaso ay yimaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa PSF, iyaga oo doonayay inay gudaha u galaan garoonka, balse taasi ay ka biyo diideen ciidamada ilaalada ka haaya.

Cabdisamad ayaa sheegay in Puntland ay mamnuuday in Ciidamo lala galo dhammaan garoomada diyaaradaha, isla markaana isaga ilaaladiisa markii uu aadayo Garoonka uu banaanka kaga tago, hayeeshee dagaalkii Maanta uu sabab  ahaa Ciidamada PSF oo doonayay inay hubka la galaan Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka hadlayay diyaaradii laga celiyay garoonka Boosaaso oo ay saarneyd ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa sheegay in si kedis ah uga warheleen in diyaarad sida gargaar ay kasoo degi rabo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jirtay wargelin la’aan ku saabsan in garoonka magaalada Boosaaso laga soo dejiyo gargaar aan lagu soo warelin Hay’adaha kala duwan ee Puntland, hayeeshee laga ogaaday markii ciidamada PSF ee garoonka tegay ay Hay’adaha Amniga u sheegeen inay diyaaradaas sugayaan.

Ugu dambeyn, wuxuu ku baaqay in tallaaba kasta iyo waxkasta oo la keenayo deegaannada Puntland lala soo wadaago hay’adaha ay quseyso, maadaama dalka uu ku jiro xaalad adag, sidoo kalena dhawaan Soomaaliya ay yeelatay dowlad cusub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...