Boosaaso (Halqaran.com) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa PMPF-ta & PSF-ta ayaa ku dagaalamaya afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Dagaalka labada Ciidan ayaa salka kuhaaya Ciidanka PSF oo doonayey in garoonka diyaaradaha Boosaaso laga soo dajiyo diyaarad ay lasocoto ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Xaaji Samatar, laakiin ciidanka Imaaraatka uu tababaray ee PMPF ay diideen in diyaaradda ay dagto.
Dhimashada laba qof iyo dhaawacyo kala duwan ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray Ciidamada PSF iyo PMPF ee Puntland.
Waxaa socda dadaallo lagu kala qaadayo ciidamada, kuwaas oo ay wadaan isimada dhaqanka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





