Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Rag hubeysan oo weerar ku qaaday saldhig ku yaalla Muqdisho & Khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Halqaran.com) – Rag hubeysan oo la sheegay inay gaarayeen ilaa lix, isla markaana watay gaari nooca raaxad ah ayaa Jimcihii maanta weeraray Saldhiga Ciidada Booliska degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxana halkaasi ka dhacay dagaal dhex-maray raga weerarka soo qaaday iyo Ciidamada ku sugan Saldhiga.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa ay ahaayeen ragga weerarka ka geystay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ahaayeen Ciidamo Millateri ah oo Saldhiga looga soo xiray rag saaxiibadood ah oo lagu eedeeyay inay dhac ka geysteen magalada Muqdisho, isla markaana howlgallo lagu soo qabtay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ka dhacay Saldhiga degmada Yaaqshiid ay ku dhinteen Afar ruux oo kala ah, laba kamid ah raggii weerarka soo qaaday, hal askari oo katirsan Ciidamada Booliska iyo qof Shacab ah.

Warar ayaa intaasi waxay ay ku darayaan in Ciidamada Booliska Saldhigga degmada Yaaqshiid ay nolosha ku qabteen laba kamid ah raggii soo weeraray Saldhigga, kuwaas oo iyana la xiray.

Weli kama aysan hadlin weerarkaasi laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana uu noqonayaa saldhigii labaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee la weeraro, waxaana ka horreeyay Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne oo dhawaan ay weerareen ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...