Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Kenya oo shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee Soomaaliya u soo dhoofin doonta Khaadka

Nairobi (Halqaran.com) – Xoghayaha Wasaaradda Beeraha dalka Peter Munya ayaa shaaca ka qaaday in 5-ta bisha July ee soo socota uu dib u bilaabanayo dhoofinta Qaadka Kenya ee la keeno Soomaaliya, taasi oo ku soo beegantay xilli ay nafis u tahay kumanaan beeraley ah oo Miirooga ah oo saddexdii sano ee ugu dambeysay wajahay khasaaraha ka dhashay xirnaanshaha suuqa Muqdisho.

Madaxa Miraa, Pyrethrum iyo dalagyada kale ee warshadaha Felix Mutwiri ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan arrimo taagan oo ka hor inta aan dib loo bilaabin suuqa kaliya ee ugu weyn Kenya.

“Hadda waxaa naloo sheegay in suuqa uu dib u billaaban doono 5-ta Luulyo, ayuu yiri Kimati Munjuri, guddoomiyaha ururka ganacsatada  khaadka Nyambene Miraa.

Waxay aheyd dhawaan, markii uu magaalada Muqdisho yimid Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana uu wadahal la yeeshay Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...