Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la soo bandhigay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guud ahaan Geeska Afrika, laga soo bilaabo waqooyiga Kenya ilaa bariga Itoobiya iyo inta badan Soomaaliya, abaaro ba’an ayaa ka dilaacay, kuwaasoo sababay   nafaqo-xumo iyo macaluul  soo foodsaartay Malaayiin  qof.

Abaarta ayaa ka dhalatay Roob yarri , oo kaashanaya dagaallo, xag-jirnimo, isbeddelka cimilada iyo masiibooyin dabiici ah ayaa sababay in ay ku barakacaan dad badan oo ku nolaa Geeska Afrika .

Beeraleyda geeska Afrika ayaa laga soo xigtay in sanadkan ay wajahayaan wax soo saar la’aan ka dhashay Roob yarida.

Roobabkii afaraad oo xiriir ah ayaan u da’in sidii loo filayay, sidokale Xilli-roobaadka soo socda, oo caadi ahaan bilaabmaya bisha Oktoobar, ayaa rajo xumo weyn laga muujiyay.

Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaasay in 18.4 milyan oo qof in ay soo food saartay cuno yari ba’an, dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ugu daran.

Dhammaan saddexda waddan, tirada carruurta ay hayso nafaqo-xumada ba’an ee la seexiyay isbitaallada saddexdii bilood ee hore ee sannadkan waxay “aad uga badan tahay” sannadihii hore, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen hay’adaha samafalka bishan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...