Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Ergeyga DF Somaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka Somaaliya ee magaalada Jiddah Dr. Amed Maxamuud Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan ururkaasi.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wadahadleen masuuliyadda laba xafiiis ka saaran xoojinta xiriirka dalalka Islaamka iyo in waxqabadkooda lagu saleeyo istaraatiijiyadda qaranka dowladda Soomaaliya.

Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa,waxaa kale oo uu la kulmay kaaliyaha xoghayaha bini‘aadnimada iyo dhaqanka ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo kala hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirtaa dalka Soomaaliya iyo sida loogu gurman karo dadka.

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya waxa uu horay ula kulmay xubnaha Dalalka Falastiin iyo Turkiga eek u jira  ururkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...