Dhoobley (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii Maanta gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeeyey.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhoobley ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Axmed Madoobe ayaa u kuurgeli doono xaaladda nololeed ee dadka kunool degmada Dhoobleey, isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona, Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada
Golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland ayaa 23-kii Bishaan June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Maamulka Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





