Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Galmudug oo war ka soo saartay dagaalkii Baxdo & Wararkii ugu dambeeyay

Baxdo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay subixii Sabtida maanta ah iskaga difaaceen weerarkii ay Al-Shabaab kusoo qaaday degmada Baxdo.

Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen Al-Shabaab oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.

Maamulka Galmudug waxa ay xaqiijinaysay weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga Al-Shabaab ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah sida ay sheegatay Madaxtooyadda Galmudug.

Waxay Galmudug ku tilmaamtay dagaalkii shalay lagu jabiyay Al-Shabaab uu ahaa mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii Baxdo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...