Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Deegaano hoos yimaada Gobolka Shabeeleda hoose oo loo Sameeyay Maamul Cusub.

Bariire (Halqaran.com) –Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Maanta Maamul cusub waxaa uu u Magacaabay degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu yiri” Iyada oo laga ambaqaadayo baahida loo qabo maamul uu yeesho deegaanka Bariire ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana wadatashiyo lala yeeshay dadka deegaanka, ayaa Guddoomiyaha Golka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali – Najah wuxuu magacaabay maamulka cusub ee deegaanka Bariire.

        Halkaan ka Akhriso Magacaabista:

Guddoomiyaha Gobolka ayaa u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub inay si hufan u gutaan waajibkooda ayna xaqiijiyaan adeegga dadweynaha ay uga baahan yihiin maamulka. Waxaana Guddomiyuhu ka codsaday bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...