Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

khasaare xooggan oo ka dhashay duqeymaha ee ay wadaan diyaardaha dalka kenya.

Ceelcade(Halqaran.com) –Wararka ka imaanayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolkaasi.

Degaanada la xaqiijiyay in ay duqeeymaha inta ugu badan ka dhaceen ayaa kala ah  Ceelcade, Likooley, Busaar iyo Garsal Oo Ka tirsan Gobolka Gedo Ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaa oo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato ah,kuwaasi oo dhaliyay Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa hadda inta la og yahay 10 qof ayaa ku dhimatay, Duqeynta xalay ilaa iyo Haatan Kenyatiga ay ka wadan Gobolka Gado, waxaa sidoo kale Jira dhawaac intaa ka badan iyo hanti badan oo ay duqeymaha ku baa’bi iyeen Ciidamadda Kenya.

Maamulka Gobolka Gedo iyo dowladda dhaxe ee Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaan weli ka hadlin duqeyntaas, hayeeshee waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli dalka Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Cusub, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid wanaagsan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...