Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Kenya oo Ka hadashay dhacdadii Shaley uu Shirka uga baxay Safiirka Soomaaliya u fadhiya ee Dalkaasi.

Nairobi(Halqaran.com) –Dowladda Kenya ayaa raalli-gelin rasmi ah ka bixisay shirkii uu shaley iskaga baxay safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi, kadib markii uu goobta ka soo muuqday Wakiilka Soomalilad ee kanya u jooga.

Uhuru Kenyata oo muddo laba sano kabadan aan wax wadahadal ah la yeelan xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo qayb ka ahaa xubna mas’uuliyiin ah oo lagu sharfay in ay ka soo qayb galaan munaasibadda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya ee Xasan sheekh.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kulanka Uhuru iyo safiirada ka qayb galay ayaa kulanka isaga baxay intii uu socday kadib markii uu kulanka uu ku soo biiray safiir la sheegay in Hargeysa uu u fadhiyo Nairobi.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Nairobi u dirtay, in ay ka warbixiso dhacdada iyo mansabka ay Somaliland kaga qayb gashay shirka Uhuru iyo Safiirada dalalka Caalamka.

Kenya ayaa sheegtay in ay qadarrin u heyso qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya. waxeyna ka cudurtaarteen joogitaanka wakiillada Somaliland ee Nairobi.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda.

Kenya waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.”  ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...