Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

Guddiga diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda dowladda& Wasiir Beyle oo Kullan ku yeeshay Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle,  Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax iyo xubno kale oo la socday.

Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray ayaa Wasiirka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka wax ay wax ka waydiiyeen qarashaadka ka baxay qasnadda Dowladda bilihii la soo dhaafay iyo Canshuuraha iyo su’aalo kale oo la xiriira Miisaaniyadda Qaranka 2022.

Sido kale waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Senator Xassan Iidoow Maxamed (Kobac), xoghaya Guddiga Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur iyo Xubna kale oo ka mid ah Guddiga.
Guddiga ayaa wada soo diyaarinta sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022, iyada oo la filayo dhawaan  inay horgeeyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...