Monday, April 20, 2026
28.4 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay inay dileen saraakiil Shabaab ah

Bakool (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-KM ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Ninka ay sheegeen ciidanka in ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa Afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima).

Sidoo kale, ciidanka ayaa dilay ku dhawaad 10 Maleeshiyaad ah sida uu sheegay Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Col: Cali Xabad.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...