Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Talaadada maanta ah gaaray Magaalada Garoowe.
Mr Deni iyo wafdigiisa ayaa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe. waxaana soo dhweyntiisa Madaxweynaha iyo wafdigiisa qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo ka kooban Xildhibaanno iyo wasiirro.
Sidoo kale, soo dhaweynta loo sameeyay Siciid Deni ayaa waxaa qayb ka ahaa dad shacab ah, kuwaasi oo isugu soo baxay Garoonka si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.
Madaxweynaha Puntland oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii uu Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweyntiisa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo saacadii la soo dhaafay la xaliyay khilaafkii kala dhaxeeyay.
Saciid Deni ayaa u mahadceliyay dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada kasoo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya, in madaxweyne Deni uu qorsheeyay isbeddelo uu ku sameeynayo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





