Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadada maanta ah gaaray magaalada Baydhabo ayaa noqonaya safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtnimada dalka.
Afhayeenka madaxweynaha JFS, Cabdikariim Cali Kaar oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ujeedka safarka madaxweynaha aysan ahayn mid kooban, balse uu xusay, in madaxweyne kasta oo dalka yimaada uu safarkiisa ugu horreeya ka billaabi jiray Baydhabo, sida uu ka dhawaajiyay.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya, xilli xasaasi ah oo aanan weli la caleemo saarin, islamarkaasna uusan magacaabin Ra’isul wasaare sida uu qiray afhayeenka madaxweynaha.

“Madaxweyne Xasan hal ku dhigiisa wuxuu ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, safarkana wuxuu ku saabsanyahay Soomaali heshiis ah, marka ay Soomaalida heshiiso ayay dowladnimadana hanoqaadi kartaa” waxaa sidaa yiri Afhayeenka isagoon wax sharraxaad dheeri ah bixin.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in labada madaxweyne uusan jirin wax ay kaligood ka wada hadlayaan, ee si guud tashi loola samaynayo bulshada iyo maamulka Koonfur Galbeed
Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Afhayeenka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar oo dhammeystiran:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





