Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Talaadada maanta ah xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.
Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka, ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiinkad oo wax yeelo u geysanayay xilliyada kulaylaha,
Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed 24 kii bishii Janaayo ee sanadkii 2021 oo ka damqaday goobta ay wax ku baranayaan, ayaa waxa uu amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





