Muqdisho (Halqaran.com) – Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad ayaa Isniinta maanta ah magacaabay madaxa sirdoonka ee qeybta gobolka Banaadir.
Taliyaha Hay’adda NISA ee qeybta gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Muxyadiin Warbac Shadokor oo ka tirsanaa saraakiisha hay’adda Sirdoonka Qaranka.
Sarkaalka la Magacaabay ayaa muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, lehna Khibrad dheer oo dhinaca amniga ah, waxaana horay u magacaabay sidaan oo kale Agaasimihii KMG ahaa ee NISA Bashiir Goobe balse uu u Shaqeyn waayay khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynihii hore ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Rooble.
Si kastaba, xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa waxaa horay u haayay Yaasiin Fareey oo sidoo kale si KMG ah u haayay Xilka Agaasimaha KMG ah ee NISA, kaas oo shalay xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub ee NISA Mahad Salaad.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





