Friday, June 5, 2026
27.8 C
Mogadishu

18 kun oo arday oo u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

Garoowe (Halqaran.com) – 18,550 Arday ayaa Sabtida maanta ah u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee deegaanada Puntland, kaas oo uu daah-furay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in 12,610 arday ay u fariisteen imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, halka 5,940 arday ay u fariisteen imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga Sare.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kula dardaarmay ardayda inay u muujiyaan dadaal badan, isagoo alle uga baryay in uu imtixaanka u fududeeyo.

“Waxaan halkan maanta duco iyo hambalyo uga dirayaa Ardayda Fasalka 4-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe oo maanta u fadhiisanayaa Imtixaanka Alle Subxaanahu Watacaalaa ha idinku guuleeyo.Waxaan u mahadcelinayaa  guud ahaan bahda Wasaarada  Waxbarashada Puntland oo runtii marwalba heegan u ah inay horumariyaan  waxbarashada iyo manaahiijta Puntland, Anigoo og in duruufo badan ay jiraan hadana marwalba heegan ugu jira sidii waxbarashadeenu  u sugnaan  lahayd” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Dowladda way ka go’antahay inaan muhiimad gaar ah siino waxbarashada, dal walba oo dunida ah horumarkiisu wuxuu ku xidhan yahay heerka  aqoonta ee dadka ku nool,Hawl-wadeenada iyo masuuliyiinta Imtixaanka waxaan farayaa inay masuuliyad weyn iska saaraan Illaalinta iyo kormeerkaba”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...