Friday, June 5, 2026
27.8 C
Mogadishu

Human Right Watch oo baaq deg-deg ah u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh

Balcad (Halqaran.com) – Hay’adda Humar Right Watch ayaa ka soo saartay warbixin dheer xasuuqii loogu geystey deegaanka Gololey ee ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe illaa siddeed shaqaale caafimaad ah.

Warbixinta ay hay’adu soo saartay ayaa waxaa loogu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu amro in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanadi hore loogaga sameeyay dilkan.

Hay’adda Human Right Watch ayaa warbixinteeda ku bilowday;

Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka dhacay xasuuq ba’an oo lagu xasuuqay siddeed ka mid ah shaqaalaha caafimaadka.

Gelinkii dambe ee Maajo 27, 2020, shan nin oo wejiyada soo duubtay – afar la sheegay inay wateen dareeska dawladda – ayaa toddoba nin oo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay’ad aan dowli ahayn.

Waxa kale oo ay kaxeysteen nin farmashi ka ag dhawaa xarunta iibinayay dawooyinka. Dableyda ayaa sideedii qof u soo dhaqaaqay, iyagoo indhaha ka xiray, waxayna ka tageen dumarkii ay isla shaqeynayeen.

Muddo 24 saac ku dhow ayay bulshadu isku dayday inay soo hesho raggaas. Gelinkii dambe ee 28-kii May, ayaa meydadkooda oo rasaastu ka dhacday laga helay meel ka baxsan tuulada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...