Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2022-ka iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, iyadoo Wasaaraddu ay soo jeedisay in xilka Agaasimaha Nabad-sugidda loo magacaabo Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ay meel mariyeen Golaha Xukuumaddu.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyey miisaaniyadda dowladda oo dhan, ($918.7M) taas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda warbixinaha ay soo gudbiyeen iyo shaqada ay qabteen, isagoo u rajeeyey Agaasimaha Cusub ee Nabad-sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad in Alle u fududeeyo shaqada loo igmaday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





