Friday, June 5, 2026
26.6 C
Mogadishu

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya Ku Wareejisay 9.6 Milyan Oo Dollar +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo laga hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018, iyadoo dowladda Imaaraadkuna ugu deeqday wax ka qabashada arrimaha abaaraha dalka saameeyey.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagtan gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doonno arrimaha gargaarka.

Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa amray in lacagtaan lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo gurmadka iyo gargaar bini’aadan-tinimo ee la gaarsiinaayo dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakhti geliyey sidii loo hagaajin lahaa soo celin lahaa xiriirka labada dalka oo xumaaday sanadkii 2018, waxana tallaabada soo celinta xiriirku suurta-gelinaysaa soo laabashada mashaariicdii horumarineed ee Imaaraadku ka fulin jirey Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...