Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Guddiga doorashada Madaxweynaha oo farriin deg deg ah u diray Musharraxiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga isku Dhafka labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa ugu baaqay musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha in ay u soo gudbiyaan Musharax kasta, halka  qof ee codadka u tirinaya doorashada berri ka dhici doonto teendhada Afisiyooni.

Sidaan ayuu u qornaa Baaqa Guddiga:

Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.

Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda.

FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...