Monday, December 15, 2025
27.9 C
Mogadishu

Sarkaal ka tirsan Xoogga dalka iyo gabdho uu awoowo u yahay oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Kismaayo lagu dilay Allaha u naxariistee Taliye ku xigeenkii guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo Awoowe uu u ahaa.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa xaqiijiyay, in sarkaalka iyo labadaas gabdhood lagu dilay qarax miino oo guriga loogu xiray.

Sidoo kale, seddax qof oo isla qoyska ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa baritaano culus ka wada xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafadda uu ku yaallo guriga lagu qarxiyey qoyskaan, waxayna baacsanayaan dhagarqabayaashii fuliyey qaraxaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...