Monday, May 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Biden: Taageeradii uu siiyay Mareykanka Ukriane waxay sameysay isbaddel dagaal

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Gantaallada Javelin-ka ee Mareykanka uu siiyay Ukraine ay sameeyeen isbeddel dagaal oo dhab ah.

Biden ayaa sidoo kale qiray in dalkiisa uu qarash badan ku bixi doonto dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Madaxweyaha Mareykanka Joe Biden ayaa khudbad uu ujeeday Congress-ka kaga codsaday meel-marinta dhaqaale dheeraad ah oo la gaarsiiyo Kiev, si looga hortago gabood-fallada uu Ruushka ka geeysanayo gudaha Ukraine.

Wuxuu Biden hoosta ka xariiqay, in taageeradii Washington ay u sahashay dadka reer Ukraine in ay sii wadaan dagaalka, sidoo kalana ay fashiliyaan qorshahii Ciidamada Ruushka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...