Saturday, June 20, 2026
26.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay 360 maxaabiista ku xiran Xabsiyada Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto madaxweyne Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku xiran xabsiyada ku yaalla deegaannada Somaliland.

Wareegtada cafiska ah ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-

Markaan Arkay:  Somaliland, Qodobka 90aad, Farqadiisa 5aad;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta e ku taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud  ee 4 ku taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...