Friday, May 15, 2026
28.9 C
Mogadishu

Tirada dadka Tahriibayaasha ee ku dhintay badda ‘sanadkii hore’ oo korortay

Muqdisho  (Halqaran.com) – In ka badan 3,000 oo qaxooti ah, tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa ku dhintay marinnada Mediterranean-ka iyo badda Atlantic-ga sannadkii hore, iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga Adduunka Jimcihii.

Kumanaan Afrikaan ah ayaa sannad walba safarro dheer oo halis ah ku taga Yurub iyagoo inta badan kasii gudba Saxaraha, waxayna ka baxaan xeebaha woqooyiga Afrika iyagoo raacaya doomo yaryar oo macmal ah, waxaana dadkaasi ka cararayaan dhibaato, iyaga oo raadinaya nolol dhaanta tan ay ku sugan yihiin.

Sannadkii hore, UNHCR waxay sheegtay in 3,077 qof ay dhinteen ama la la’yahay, taas oo ku dhow labanlaab tirada 2020-ka.

“Waxaan arkeyna tirada dhimashada oo aad u sii kordheysa” ayay tiri Shabia Mantoo oo ah madaxa UNHCR oo shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Geneva. “Waa wax laga naxo.” ayay raacisay.

Ilaa hadda sanadkan 2022, 553 oo qof ayaa lasoo wariyay inay dhinteen ama la la’yahay, iyaa oo intooda badan ku dhinteen marinka Bartamaha Mediterranean-ka, sida ay xogtani muujisay.

Dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ayaa ka kala yimid dalal badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo kuwa ka hooseeya Saxaraha sida, Tunisia, Morocco, Mali, Guinea, Eritrea, Masar, Ivory Coast iyo Senegal iyo sidoo kale Iran, Syria iyo Afghanistan, sida ay sheegtay Mantoo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...