Toronto (Halqaran.com) – Nin asalkiisu Soomaali yahay oo kaalinta koobaad uga jira liiska dadka ay doonayaan laamaha ammaanka ee dalka Canada ayaa lagu qabtay Waddankaasi.
Booliska Canada ayaa Talaadadii sheegay inay lacag dhan 250 kun oo dollar-ka dalkaas ah ku abaalmarin doon qofkii la wadaaga xogta Cabdicasiis Maxamed.
Cabdicasiis Maxamed ayaa waxaa baadi goobayay booliska Toronto, waxaana lagu soo eedeeyay in uu dilay Craig MacDonald oo 43 jir ah kaasoo ku dhashay Magalaadda Toronto.
Ninkaan ayaa la sheegay in uu dilka geystay, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay ninkaasi oo kale oo ay saaxiibo ahaayeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





