Wednesday, June 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Xildhibaanno loo diiday inay galaan Teendhada Afisyooni?

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya hoolka teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in xildhibaanno loo diiday inay gudaha u galaan hoolkaasi oo maanta la qorsheynaya in lagu qabto doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku-xigeennadiisa.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaannada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni.

War qoraal ah uu Xldhibaanku soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas‘uuliyad daradii dalkeenna hoggaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii ku sii guda jiraan, waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Beenebeene.

Marka laga soo tago qoraalka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa jira Xildhibaanno uu kamid yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo gaaray goor sii horeysay Teendhada Afisiyooni.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...