Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa howlaha amniga ee doorashada guddoonka Golaha Shacabka, gaar ahaan Teendhada Afisiyooni ku wareejiyay ciidanka nabad ilaalinta ATMIS, si loo dardargeliyo doorashada beri lagu ballansanyahay.
War qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri.
Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota..
Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.
Sidaas darteed, liiska Xildhibaannada galaya teendhada Afisiyooni waxaa soo gudbinaya Guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





