Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa horumarinta Kuwait oo heshiis kala saxiixday

Kuwait (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo soddon sanno kadib dib u bilaabaya xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.

Heshiiskaan oo Talaadadii maanta ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Ambasaddor Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowaa iyo agaasimahha guud ee Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait Sayid Marwaan Al-Qanem.

Heshiiskaan oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu dib u bilaabaya wada shaqeynta u dhaxeysay labada dhinac, kaasi oo hakad ku jiray muddo ku dhow 30 sanno oo Soomaaliya ay ku jirtay burburka iyo dowlad la’aanta.

Waxaa uu sidoo kale heshiiskaan gogol xaar u yahay wada shaqeyn cusub oo dhexmarta labada dhinac, waxaana hada iyo waxii ka dambeeya Soomaaliya ay codsan kartaa deymo cusub ama kaalmaha tooska ah oo sanduuqa uu ku caawiyo wadamada soo koraya.

Saxiixa heshiiskaan wuxuu qayb ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee dawladda Soomaaliya la waddo hay’addaha caalamiga ah ee daymaha bixiya, sida Bangiga Aduunka (World Bank) iyo Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) waxaana tani ay tahay mid muujineysa in Soomaali ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii kalsooni buuxa loogu qaadi lahaa hanaanka maaliyadeed ee hey’adaha dhaqaalaha dalka oo muddooyinkii u dambeeyay aad usoo hagaagay.

Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait ayaa burburkii kahor Soomaaliya ka taageertay fulinta mshaariic badan oo muhiim u ahaa dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...