Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Arbacada maanta ah dalka dib ugu soo laabta, kadib markii uu magaalada Geneva, uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira.
Mr Rooble oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.
Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





