Sunday, May 31, 2026
26.1 C
Mogadishu

Maxaad ka ogtahay ballanqaadka uu taliyaha cusub ee booliska Soomaaliyeed u sameeyay Shacabka reer Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa ballanqaaday in ay furi doonaan Waddooyinka xiran ee Caasimadda Muqdisho .

Taliye Xijaar ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhagaxaanta waa weyn ee lagu xiray Wadooyinka , islamarkaana Ciidanka Booliska ay Mas’uuliyad iska saari doonaan.

Wuxuu xusay, in maamulka gobolka Banaadir ay la kaashan doonaan furitaanka Waddooyinka si loo xoojiyo wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo maamulka gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar maxamuud Maxamed Cumar Finish oo ka qayb galayay munaasabadda xil Wareejinta taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxa u ka codsaday Taliska Ciidanka booliska in ay furaan wadooyinka.

Sidoo kale, wuxuu shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...