Garoowe (Halqaran.com) – Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas, ayaa Khamiistii maanta Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.
Kulanka oo ay goobnjoog ka ahaayeen inta badan Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, xaaladda Gobollada Puntland, abaaraha iyo arrimaha bini’aadanimada.
Xubnaha Golaha wasiirada Puntland ayaa intooda badan waxaa ay warbixino la xiriira shaqooyinkooda u gudbiyeen Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Mudane Karaasha ayaa dhankiisa waxaa uu Xubnaha Golaha wasiirada Puntland faray dardar gelinta howlaha loo igmaday, isla markaana looga baahan yahay inay bulshada si wanaagsan ugu adeegaan.
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo todbadkii Maanta oo kale la qabto ayaa waxaa diirada lagu saraa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan kuwa saameynta ku leh Maamulka Puntland, sidoo kalena laga soo saaro Go’aano ku wajahan xaalada dalka & tan Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





