Saturday, April 11, 2026
28.2 C
Mogadishu

UPDATE: NISA oo shaacisay in Al-Shabaab ay dishay Ikraan Tahliil

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in la dilay Ikraan Tahliil Faarax, kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab.

Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed SNTV ayaa goordhow baahiyay in Ikraan Tahliil Faarax in ay dileen ururka Al-Shabaab.

Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaal firfircoon oo ka tirsan taliska NISA ayaa warkeeda la weysanaa bilihii la soo dhaafay, waxaana waalidkeeda ay sheegeen in gurigeeda oo ku yaalla agagaarka taliska NISA in gaari gaar ah uu ka qaaday.

Halka hoose ka akhriso warka ka soo baxay taliska NISA oo u qornaa sidaan:

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021. HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...