Thursday, April 23, 2026
27.8 C
Mogadishu

20 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Jamhuuriyadda Congo

Congo (Halqaran.com) – Jabhadda ADF ayaa lagu eedeeyay in ilaa iyo 19 ruux ay bariga wadanka Jamhuuriyada dimoquraadiga Congo ay ku dileen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda

Kakule kalunga, oo ka mid odayaasha deegaan ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay dhacdadaasi isaga oo xusay in la helay meydadka ilaa afar iyo toban ruux.

Meydadka dadkan ayaa waxaa dhul keymo ah oo ku yaala tuulada kasanzi oo ka tirsan gobalka kivu ka soo helay shaqaale  ka tirsan hay’adda Caalamiga ah ee laanqeyrta Cas.

Magaalada beni oo ah halka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa inta badan duulaano ka soo qaaday Jabhadda adf hore kumanaan ruux ugu dilay dalka Jamhuuriyada dimoquraadiga ee Congo.

War qoraal ah oo uu soo saaray  Meleki Mulala, oo ah afhayeen u hadlay urur ay leeyihiin bulshada rayidka ah ayaa ka digay halista bariga wadanka Congo oo ay ka dhacaan dhibaatooyin badan.

Horaantii bishan ayaa waxaa dalkaasi gaaray ciidamo gaar ah oo ka socday dalka mareykanka oo doonaya in malateriga Congo ay ka caawiyaan la dagaalanka Jabhada ADF

Ugu dambeyn, Jabhada ADF oo xiriir la leh ururka daacish ayaa waxaa weerar halis ah ka geystay bariga dalka Congo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...