Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Britain oo ciidamadii ugu dambeeyay kala baxday dalka Afghanistan

Britain (Halqaran.com) – Dowlada Britain ayaa soo gabo gabeesay daadgureynta muwaadiniinteeda ku sugnaa dalka Afganistan gaar ahaan magaalada Kabul ay dhawaan la wareegeen dagaalyahanada kooxda Taalibaan.

Ciidamo badan oo ka socday dalka Britian ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kabul gaar ahaan garoonka diyaaradaha Hamid Karzai halkaas ay ka wadeen daadgureynta diblumaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalkaasi.

Diyaaradii ugu dambeesay oo wada ciidamo Biritain ah ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Kabul, waxa ayna Britain soo gabo gabeesay joogitaankeedii dalka Afganistan ay la wareegeen Taalibaan.

Ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda dalka Mareykanka ee wali jooga garoonka diyaaradaha Kabul ayaa fursad u heesta in halkaasi sii joogaan ilaa 31-da bishan oo kaliya ka harsan tahay labo maalin.

Waxaana la filayaa in Milatariga Mareykanka isaga baxaan dalka Afganistan waqtigii ku heshiiyeen Mareykanka iyo Taalibaan oo aheyd 31-da bishan, waxaana maamulka garoonka si buuxda ula wareegi doona mamaulka Taliban oo talada Afganistan la wareegtay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...