Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka AUN ‘Cabdullahi Abyan‘ oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho (Halqaran.com) – Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaalka, Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa Sabtidii maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa saacadihii dambe ee Jimcihii ku geeriyooday magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaalka, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay aaskaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiye Cabdullaahi Abyan Nuur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in marxuumku uu u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Gudoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal, oo uu hadda hayay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed. Geerida ku timid waa mid murugo leh oo taabatay qalbiyadeenna, waxaanna uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Cabdullaahi Abyan ayaa xilka Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka loo doortay bishii July ee ina dhaaftay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...