Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Taliska AMISOM oo laga dalbaday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dhacdadiid Golweyn

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiye-yaasha Gobolada Banaadir & Shabellaha Hoose ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, iyagoona kala hadlay dhacdada Talaadadii ay Ciidanka AMISOM ku dileen toddobo qof oo rayid ah, deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa Taliska AMISOM ka dalbaday in la sameeyo baaritaan deg-deg ah, isla-markaana ay cadaalad helaan dhibane-yaasha iyo eheladoodaba, sida lagu sheegay war ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Warka ayaa u qornaa “Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulamo kala duwan ula qaatay Saraakiisha Qaybaha Amisom iyo sidoo kale Taliyaha ugu Sareeya Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM ee Somaliya, General Diomede Ndegeya.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg-deg ah loogu samayn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee Ciidanka AMISOM ku xasuuqeen Allaha u naxariistee dad shacab ah oo ku nool deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Filish iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkaasi gurcan ee lagu dilay 7 qof oo shacab ah, isla-markaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda ay si deg-deg ah u helaan cadaalad.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...