Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Itoobiya oo beegsaneysa Siyaasiyiinta Soomaalida ee taageersan Ururka TPLF

Jigjiga (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa digniin u jeediyay dadka uu sheegay inay taabacsan yihiin Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena sheegay inaanay u dulqaadan doonin dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan isku day kasta oo TPLF ku dooneyso inay ku carqaladayso amniga iyo nidaamka dowliga ee dalkaasi ka jira.

“Waxay maanta ku doodeysaa TPLF inay rabto inay soo celiso nidaam federaali ah oo dowladda hadda jirta ay diidan tahay, laakiin 27 sano wixii ay fulin weyday dib oo dambe uma fulin doonto.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayay dadweyne maanta bannaanbax ka dhan ah TPLF ka dhigay Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kooxdaasi waxay isku arkaysay inay qabatay shaqo muhiima, oo ah ka hortagidda qowmiyadaha, waxay isku dirtay Soomaalida iyo Oromada, waxay isku dirtay Amxaarada iyo Oromada, waxay isku dirtay Banishaaguli iyo Amxaarada, marka maadaama ay u arkaysay inay dadka iska wada horkeentay waxay aaminsaneyd is bedelkii dhacay ma soconayo, oo cid la socon doontaa ma jireyso. Laba sano ayay ku jirtay howshaa, markii ay aragtay iyadoo nidaamkii iyo xisbiyadii dib loo habeeyay, iyadoo doorashooyinkii la’isku diyaariyay, iyadoo dadkii uu ka maarmay, waxay qaadatay go’aan ah in dagaal ay qaaddo mooyee wax dambe oo u harsan oo rajo ay leedahay oo saamayn siyaasadadeed ay ku yeelanaysaa inaanay jireynin.”

Madaxweyne Cagjar ayaa ku hanjabay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan Siyaasiyiinta Soomaalida, ee taageersan Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF, si aanay u carqaladeen amniga iyo horumarka ka jira Dowlad Deegaankooda, waana xilli siyaasiyiintaasi qaarkood maanta lagu xirxiray Magaalada Addis Ababa, oo ay ka wadeen shir ka dhan ah Maamulka Jigjiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...