Nairobi (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid safiirada Beesha Caalamka.
Mr. Rooble iyo Safiirada ayaa ka wada hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee Beesha Caalamka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble aya uga mahadceliyay Wakiillada Beesha Caalamka taageerada ay siiyan Soomaaliya iyo daddaalkooda ku aadan dib u dhiska Soomaaliya.
Inta uu ku sugan yahay ra’iisul wasaare Rooble magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi ka sii wado kulamada kala duwan, isla markaana uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





