Cape Town (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska dalkaas ay meydka muwaadin Soomaaliyeed ka heleen Xeebta dhabarka dambe ee Khayelitsha iyo M/Plain oo ku taal Magaalada Cape Town.
Taliyaha Booliska degaanka Khayelitsha Captain Suleman ayaa sheegay in dilka muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsaday Tooreey ama Mindi, isla markaana ay meydka ku wareejiyeen C/qaadir Karakuus oo ah Madaxda Bulshada Soomaalida ee deegaanka.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska deegaanka Khayelitsha ee Nagaalada Cape Town ay baaritaan ku hayaan dadkii ka dambeeyay dilka iyo sababta ka dambeeysa dilka Muwaadinka Soomaaliyeed.
Dalka Koonfur Afrika oo ay ku sugan yihiin Soomaali aad u farabadan ayaa waxaa inta badan Soomaalida loogu geystaa dhibaatooyin ay kamid yihiin, dil, dhaawac iyo boob goobahooda ganacsiga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





