Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

AKHRISO: Liiska Musharraxiinta Aqalka sare ee Puntland iyo mas’uuliyiin caan ah oo laga waayay!

Garoowe (Halqaran.com) – Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray liiska 22-ka musharax ee u tartamaya 11-ka kursi ee Puntland Afarta sano ee soo socota ku matali doona Aqalka Sare ee BF Soomaaliya.

Xubno hore uga tirsanaa Aqalka Sare oo ay ka mid yihii Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdirisaaq Jurille ayaan ka muuqan liiska cusub ee madaxweyne Deni.

Sadex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Puntland ayaa loo goondeeyay haweenka, waxaana ku tartami doona musharaxiinta haweenka ah oo kaliya.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweynaha Puntland inuu soo saaro liiska musharraxiinta Aqalka Sare.

Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...