Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiska Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Masar ee dalka, Amb. Mohamed Ibrahim Nasr.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dowladood iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohamed Ibrahim Nasr ayaa ka wadahadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya shacabka iyo labada dowladood iyo xoojinta iskaashigooda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





