Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii guddoomiyaha golaha Shacabka BFS iyo guddiga xaqiijinta qoondada haweenka? +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BF Soomaaliy,a mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Talaadadii maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiga oo ay hoggaamineysay Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah Guddoomiyaha guddiga, ahna Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Xaabsade.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan guddiga, sidoo kale waxa uu ku biiriyay talooyin ku saabsan sida lagu xaqiijin karo qoondada haweenka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...