Muqdisho (Halqaran.com) – Guddigaan oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ayaa walaac ka muujiyay in Dowlad Goboleedyada ay ilaaliyaan Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka labada Aqal.
Guddoomiyaha Guddiga ahna Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in ay walaac xooggan ka qabaan waxa ka socda Kismaayo, maadaama shaki weyn ay ka qabaan kuraasta Haweenka ee ka soo bixi karta magaalada Kismaayo.
Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa intaasi ku dartay in musharraxiinta ka soo baxday Jubbaland ay isha ku hayeen guddigooda, waxaana ay ka dalbatay Madaxweynaha Jubbaland in uu ka soo baxo kaalintiisa ku aadan xaqiijinta qoondada haweenka.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxaa ay walaac ka muujiyeen in la ilaaliyo xaqiijinta qoondada haweenka, taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu u Magacaabo guddi ka shaqeeya u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal.
Halka hoose ka dhageyso Codka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





