Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

AKHRISO: Waxyaabaha looga hadlayo Shirka RW Roobe uga qeybgalayo London

London (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta waxa uu halkaasi uga qeyb galayaa shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Arrimaha waxbarashada iyo dhallinyarada iyo sidoo kale sidii horay loogu socon lahaa maadaama Cudurka Coronavirus uu saameeyay waxbarashada Adduunka.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Mocalimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaalada waxbarashada Soomaaliya, mid doorashooyinka iyo baahiyaha Guud ee xilligan kajira Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Magaalada London kula kulmi doono Wasiirka Arrimaha dibadda & Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, isla markaana uu kala hadli doono marxalada doorasho ee lagu jiro.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filaya ain uu si deg deg ah ugu soo laabto Magaalada Muqdisho maadaama uu horkacayo howlaha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka bilaabanaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...