Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Ciida Carafo oo si weyn looga ciiday Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo, iyadoo Masaajida iyo Goobaha fagaaraayaasha lagu dukaday Salaada Ciida.

Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho ayay maanta dadka ku dukadeen salaada Ciida, waxaana looga bartay inay kala qeyb  galaan Madaxda sare ee dowladda, balse Ciidan aysan tegain.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saxmad ahaa maanta, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buux dhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Qaar kalena waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan, kuwaas oo badankood sawirro ku galaya si ay ugu soo bandhigan baraha Bulshada.

Geesta kale, waxa jira dad aan ciidin oo ku nool magaalooyinka qaarkood kuwaas oo awoodi waayay waxyaabihii muhiimka u ahaa maalmaha Ciida, waxaana madaxda dowladda ay ku baaqeen in dadkaasi la caawiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...