Gaalkacyo (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa Axaddii Maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku toogatay 18 qof oo dhawaan lagu xukumay dil, kaddib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay dilal ka geysteen Gaalkacyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in tirada markii hore dilka lagu xukumay ay ahaayeen 17 eedeysane, hase yeeshee ay maxkamaddu dib ugu laabtay kiiska eedeysanaha kale, taas oo tirada guud dilkii subixii Axadda maanta ka dhigeysa 18.
Labad todobaad ka hor ayay aheyd markii maxkamaddu ay raggan ku xukuntay dilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Jeneraal Maxamuud Cabdi Maxamed uu sheegay markii ay go’aankan maxkamaddu ridday inuu ahaa mid caddaalad ah.
Waxaa sidoo kale magaalada Garoowe Axadda Maanta ah lagu toogtay laba rag ah halka hal Ruux oo kale lagu toogtay Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Ragga Maanta dilka toogashada ah lagu fuliyay ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kujira rag saraakiil ah, kuwaas oo dhowr jeer wareysiyo laga qaaday ku sheegay inay Al-Shabaab ka tirsanaayeen muddo badana la Shaqeeynayeen, waxaana saraakiishaas kamid ah Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri).
Guddoomiyaha Maxkamadda Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Maamulka Puntland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Shire Maxamed ayaa Warbaahinta u Akhriyay sida uu u dhacay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay 18 ragga ah ee ka tirsanaa Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi Shire iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gobolada Mudug & Ceyn Gaashaanle sare Sharmaake Sheekhdoon oo goobjoog ka ahaa Goobta toogashada ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayay Bulshada Gaalkacyo, isla markaana aysan aqbaleyn in falal amni darro iyo dilal inay ka dhacaan Magaalada Gaalkacyo.
Ugu dambeyn, Dhowr jeer oo hore Puntland sidaan oo kale waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururrada Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana kuwa maanta ay noqonayaan tiradii ugu badneyd oo ay toogato Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





