Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhoweeyay .

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardargelinta Doorashada, kaas oo ay yeelanayaan Golaha wadatashiga doorashooyinka dalka oo uu kamid yahay.

Shirka ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...