Muqdisho (Halqaran.com) – Gudiga Golaha wasiirrada oo qabanqaabinaya Munasabadaha Maalmaha Xoriyada qaranka ee nagu soo wajahan ayaa kormeeray xarumaha ay ka dhici doonaan Maalmaha xoriyadda halkaas oo ay ka socoto diyaar-garow adag oo lagu isugu diyaarinao Maalmaha qaranka qiimaha balaaran ugu fadhiya.
Guddigaan oo uu hoogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xakuumadda Fadraalka ah ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah Guddoomiayaha gudigaan qaban qaabada wada ayaa kormeerkooda ka billaabay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo kooxda hobollada Waabari ay ka wadaan diyaar-garowga iyo isku dubaridka hobollada fanka ee ka qeyb qaadan doono madalaha bilan ee munaasabadaha xoriyadda.
Sidoo kale, guddigaan ayaa u sii gudbay dal jirka Dahsoon halkaas oo laga wado qurxin iyo naqshadeyn kuwaas oo loogu tala galay dabaal daga shacabka Soomaaliyeed, waxana halkaasi gudiga ku soo dhaweeyay dhallinyaro damaashaad iyo diyaar-garow u joogtay daljirka, ayagoo wasiirrada qaar ka mid ah ay wax ka qabteen shaqadii halkaasi laga waday.
Ugu dambeyn, gudiga ayaa kormeekiisa ku sii gaaray taalooyinka dhagax tuur iyo sayidka oo ka mid ah goobaha ay ka dhici doonaan munaasabadaha, waxa ayna shaqaalaha howsha wada kula dardaarmeen inay sii dada jiyaan shaqada maadaama fooda nagu soo hayaan Maalmaha xoriyada ee loo dabaal dagayo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





